Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Horjoogamiyaashii Xarakada Al-shabaab ee Goboladda Baay iyo Gedo ay isaga baxeen dagaalyahanada Alqaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab.
Gudoomiyihii Al-shabaab ugu magacawnaa Gobolka Baay Macalin Geedoow Aadan Abuukar iyo dhigiisa gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow ayey dowladda Soomaaliya sheegtay iney isaga baxen Al-shabaab.
Warar lagu baahiyay Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hogaamiye Geedoow uu aqbalay baqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa inay Alshabaab isaga soo baxaan Hogaamiyaasha iyo ciidamada ka barbar dagaalama Xarakada Al-shabaab.
Warbaahinta dowladda ayaa uga dambeyn waxaa ay sheegtay inuu u sheegay geedow in ay heystaan isaga iyo gudoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Gedo Fiiloow ciidan xooggan oo Alshabaab ay isaga difaacaan, khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo hogaanka guud ee Al-shabaabna uu socday in ku dhaw sanad.
Warka lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka dowlada ayaan jirin war kasoo baxay Hogaanka guud ee dagaalyanada Alqaacidda ee Soomaaliya, oo ku aadan iney isaga baxeen Xarakada Gudoomiyihii Al-shabaab ee Gobolka Baay Macalin Geedoow Aadan Abuukar iyo dhigiisa gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow ayey dowladda Soomaaliya sheegtay iney isaga baxen Dagaalamayaasha Al-shabaab.

