Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo dhulka lagu aasay oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka soomaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka labaajadda degaanka weedow ee duleedka magaalada muqdisho xili ay  halkaas marayeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay markii qaraxaasi uu dhacay in ciidamada dowladda ay xireen wadada, islamarkaana la ogaan karin khasaaraha ka dhashay.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ka yimid  dhanka Gobolka shabeellaha hoose, wuxuuna kusoo jeeday magaalada muqdisho.

Dhanka kale ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here