Faaf-faahin:-Dagaalo Ka Dhacay Duleedka Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan+Dhageyso

0

Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda  iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Alshabaab ay weerar  ku qaadeen saldhig ciidamada Millatariga dowlada ay ka sameysteen deegaanka Bulacle oo qiyaastii 20KM dhanka Konfur Bari kaga beegan degmada Maxaas.

Hayeeshee  dagaalka ayaa dib u qarxay markii ciidamada  Itoobiya ee ku sugan degmada Maxaas ay usoo gormadeen ciidamada dowlada sida dadka deegaanka ay sheegeen .

Alshabaab ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 18 Askari oo kuwa dowlada ah iyo dhaawaca 26 kale sida ay hadalka u dhigeen inkastoo aysan jirin warar ka madaxbanaan sheegashada Alshabaab ee tirada dagaalkaasi ay ku dileen

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda guulo ka sheegatay dagaalkii shalay ay Alshabaab kula galeen Gobolka Hiiraan.

Axmed Maxamed Tareedisho Taliyaha guutada 52 aad ee ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in 32 dagaalame oo katirsanaa Alshabaab ay ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay Ceelka Bulacle ee duledka dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here