Ciidamo AMISOM ah oo La Wareegay Amaanka Xarunta Golaha Shacabka

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay amaanka xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda muqdisho.

Ciidamo lagu qiyaasay ku dhawaad 100-askari oo u dhashay dalka Uganda ayaa barqanimadii maanta waxa ay la wareegeen amaanka xarunta,waxayna kamid noqonayaa Ciidamo kale oo AMISOM ah oo xarunta ku sugnaa sanadihii dambe.

Dhanka kale howlihii shaqo ee xarunta golaha shacabka ayaa hakad ku jira, iyadoo maanta lagu waday in kulan uu ka dhaco Golaha Shacabka.

Xalay Waxaa xarunta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya la wareegay Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya, kuwaasi oo Guddonka uu sheegay in ay soo dirtay Xukuumadda Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here