Wararka ka imanaya degmada maxaas ayaa sheegaya inuu duleedka degmada ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo katirsan dowladda soomaaliya iyo kuwa dagaalyahanada Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ciidamo katirsan dowladda oo howlgalo ka sameynayay deegaan lagu Magacaabo Bulacle, ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka xoogaga katirsan Al-shabaab oo aan sidaa kaga fogeyn halka ciidamada howlgalka ay ka sameynayeen.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha soo kala gaaray Al-shabaab kii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee howlgalka ka sameynayay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee G/ Hiiraan.
Sarakiisha ciidama dowladda ee gobalka hiiraan ayaa Simba u sheegay inuu jiro dagaalka, waxii kasoo baxa dagaalkaasina ay dib warbaahinta kala wadaagi donaan khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.
Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Xarakada Al-shabaab oo ku aadan dagaalka socda.
Waxii Nagu Soo Kordha kala Soco WWW.SimbaNews.com

