War DEG DEG Ah:- Dagaal ka Socda Duleedka Degmada Dhuusamareeb

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda deegaan lagu magacaabo miriga oo hoostaga degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed, kuwaa oo la sheegay dagaalkoodu inuu yimid kadib markii sakay aroortii nin sheikh ahaa lagu dilay duleedka degmada Dhuusamareeb.

Googjoogayaal ayaa Simba u sheegay dagaalka wali inuu socdo, labada maleeshiya beleedna ay wali soo gaarayaan dhanba dhanka kale maleeshiyaad dheeri ah oo doonaya ka qeyb qaadashada dagaalkaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, wararka qaar ayaa sheegaya dhimashada iyo dhaawaca iney gaarayaan ilaa 7 ruux oo iskugu jiro shacab iyo labada maleeshiyo.

Xiriiro kala duwan oo Simba ay la sameysay saraakiisha ciidama Galmudug ayaa ka gaabsaday iney nooga war bixiyaan , inkasto ay noo xaqiijiyeen inuu jiro dagaalka laguna guda jiro sidii loo kala dhax gali lahaa.

Waxii kusoo Kordha Kala Soco WWW.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here