Kooxo hubeysan ayaa waxey xaafada Siliga American-ka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ragga hubeysan ayaa askarigan ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in askariga uu ku geeriyoodo isla goobta , sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Idaacada Simba ee magalada muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay inuu jiro dilkaasi, dilka kadibna ay ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa sirdoonka, ay soo gaaren goobta dilka loogu geystay askari katirsanaa ciidamada dowladda.
Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaasi, sida lagu baahiyay Idaacada ku hadasha afka Xarakada Al-shabaab, oo lagu sheegay in ragii ka danbeeyay dilka askariga, ay hore usii qaateen qoray uu watay.
Maamulka degmada Wadajir oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa inoo suura galin inaan wax ka weydino dilka loo geystay askari katirsanaa ciidamada dowladda ee gobalka Banaadir.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya iney xaaladda iminka tahay mid degan oo ay joogaan goobahii lagu dilay askariga ciidamo katirsan dowladda soomaaliya gaar ahaan kuwa amaanka.

