Siduu u Dhacay Kormeerka Madaxweyne Farmaajo Ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga “Sawirro”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay hoggaanka caafimaadka iyo howl-wadeennada Isbitaalkan sida ay ugu adeegayaan ciidanka, iyagoo  ku shaqeynaya duruufo adag iyo agab aan dhammeystirnayn.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay xaaladda bukaannada ku jira Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan askarta ku soo dhaawacmay howl-gallada ka dhanka ah Dagaalyahanada Alshabaab, isagoona warbixintooda ka dhageystay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay wax u qabashada ciidanka ku dhaawacmay howlgallada looga soo horjeedo Xarakada Al-shabaab, iyadoona uu faray Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga in ay sii kordhiyaan heeganka ay ku jiraan.

“In aan dhammaanteen u istaagno daryeelka iyo ka war-qabka ciidanka u dhaawacmay difaaca dalkeenna waa waajib uu ina farayo damiirkeenna iyo diinteenaba. Soomaaliya maanta xaaladda ay ku jiro waxaa ka samata bixin kara ciidankeeda oo taageero dhinac walba ah ka hela shacabkoooda.”

Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Mahad Cabdullaahi Nuur ayaa Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ay ugu jiraan dib u habeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga iyo muhiimadda ay leedahay in dhakhaatiirta Soomaaliya ay kaalintooda ka qaataan garab istaaga Ciidanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here