Faah faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara geystay oo ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ilo hoose oo xog ogaal ah ayaa Simba u sheegay iney jiraan sarakiil ku geeriyootay qarax miino oo ciidamo katirsan kuwa Puntland lagula eegtay agagaarka deegaanka Galgala ee gobalka bari.
War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxeyna sheegeen iney ku dileen Taliyihii ciidamada Miina Baarista maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Col.Xidig Cabdullaahi Cali Geyre iyo sarkaal kale oo magaciisa lagusoo gaabiyay Keyse.
Al-shabaab ayaa sheegay Taliyaha dhintay inuu isku dayay in uu kala furfuro walxaha qarxa oo lagu aasay wadada hareeraheeda, taasina ay keentay dhimashada Col. Xidig Cabdullaahi iyo Keyse.
Xiriiro kala duwan oo Idaacada Simba ay la sameysay saraakiisha ciidama darawiishta Puntland ayaa inoo xaqiijiyay iney jirto miino qaraxday iyada oo lagu guda jiray in la kala fur furo, balse waxey ka gaabsadeen saraakiisha iney faah faahin inaga siiyaan sarakiisha la sheegay iney ku geeriyootay qaraxa.
Dabayaaqadii sanaddii 2017 qarax ka dhacay duleedka Boosaaso ayaa lagu dilay Col. Cismaan Cumar Kabayare oo ahaa taliyihii ciidamada Miina Baarista Puntland, waana taliyii 2-aad ee Miina Baaris mamulka la sheego in looga dilo deegaanada dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

