Dowladda Sacuudiga oo Riyadh Ku Dhex-dhaxaadinaysa Dalalka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta

0

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay dhax dhaxaadinayso khilaafka soo kala dhax galay dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta, kaas oo ku aadanaa heshiiskii dekadda berbero oo ay gashay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka taas heshiiskaas oo ay barlamaanka soomaaliya ka dhigeen mid sharci daro ah.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda soomaaliya ay dacwad horgeysay ururka jaamacadda carabta taas oo ay ku dalbanaysay in wax kama jiraan laga soo qaado heshiis saddex geesood ahaa oo ay si wadijar u kala saxiixdeen Shirkadda laga leeyahay dalka imaaraatka ee DP WORLD, dowladda Ethopia, iyo maamulka Somaliland, heshiiskaas oo ku ka cayay dhaqaalo gaaraya $422m.

12-kii Bishan ayay ahayd markii kalfadhi aanan caadi ahayn oo ay yeesheen baarlamaanka soomaaliya ayay si aqlabiyad leh waxa ay ugu codeeyeen, in dalka oo idil laga mamnuuco shirkadda DP World.

Dowladda sucuudiga ayaa xiriir dhaw la leh dalka Imaaraatka oo ay kawada tirsan yihiin isbahaysiga sucuudigu uu hogaamiyo ee sanadkii aynu soo dhaafnay xayiraada diblumaasi ee la saaray Qatar.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in wada xaajoodyada ay u fidinayaan soomaaliya iyo imaaraatka ay ka dhici doonaan caasimada dalkaasi ee Riyadh

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here