Daawo Sawirrada:- Maxaabiis Goor Dhaw Laga Soo Dajiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0

Goordhaw waxaa garoonka diyaarahada magaalada muqdisho kasoo degtay diyaarad waday maxabiis soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyadaha gudaha dalka liibiya.

Maxabiista maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha aadan cade ayaa gaaraya ilaa 13 dhalinyaro ah kuwaa dalbaday ama jaclaaday in dalkooda hooyo dib loogu celiyo.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Somaaliya ayaa maxaabiistaasi kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxeyna sheegeen iney maxabiistaan yihiin kuwa doortay in dalkooda dib loogu celiyo, balse ay jiraan dhalinyaro kale oo diiyay in dib dalkooda logu celiyo, oo ay doorteen iney sii joogaan dalka liibiya.

Maxabiistaan ayaa waxaa laga soo dayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, waxaana sido kale jira maxaabiis diiday iney dalkooda dib ugu soo laabtaan, ayna dalbadeen iney sii joogaan gudaha liibiya.

Daawo Sawiradda Maxaabiistaasi Muqdisho  Laga soo dajiyay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here