Booliska Kenya oo ka digay in Al-shabaab ay Weeraro ku Fuliyaan gaari ay ka Qabsadeen Ciidanka Booliska.

0

Taliyaha ciidanka booliska dalkaasi Joseph Boinnet ayaa meel fagaara ah dadka uga digay in gaari nuuciisu yahay Ford Ranger , aqoonsiga tiradiisuna tahay GKB 595J in uu ka maqan yahay ciidanka booliska isagoona sheegay in dagaal yahano Al-shabaab ka tirsan weerar ay kusoo qaadeen labo todobaad ka hor gobolka xeebta ee dalkaasi, ay u suurta gashay in gaarigaasi lagala wareegay.

Waxaan wadnaa baadi goobka gaariga hasayeeshee dadka reer Kenya waxaan ogeysiineynaa in gaarigaasi ay ka foojignaadaan gacanta ciidankeena booliskuna uu ka maqan yahay ayuu yiri taliyaha booliska ciidanka Kenya.

Booliska waxaa kaloo ay digniintaan la wadaageen dadka ku sugan goobaha lagu xusayo charismas-ka, iyagoona ugu baaqay in ay sameeyaan taxadaro qoto dheer oo looga baaqsanayo weeraro ay dadi ku dhintaan.

Al-shabaab ayaa 16-kii bishan december weeraray gobolka xeebta leh ee Lamu ciidan kusugnaa waxaana afhayeen dhanka howl-galada al-shabaab abuu muscab uu wakaalada wararka reuters u sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 3 sargaal , isagoona intaasi ku daray in gaari ay ciidanka kaasi ka qabsadeen mid kalane ay gubeen .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here