Madaxweynaha Puntland oo maanta Garoowe ka dhagax dhigay dhismayaal wasaaradood

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 30-Dec-15 dhagax dhigaydhismaha  Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda  Puntland ay ku yeelanayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda  Puntland.

Dhagax dhigga Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal , shirkaddii dhisaysey wasaaradda iyo dadweyne kale oo aad u tira badan, waxaana lagu dhisayaa Wasaaradda hal-kudhiggii Madaxweynaha ee ahaa Puntland Haysku tashato barnaamijkaas oo Puntland si rasmi ah uga taabba galay.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay Wasiirka  Maaliyadda  Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed dedaalka dheeraadka ah ee uu  kubixinayo horumarinta iyo tayaynta wasaaradda iyo sidii  loo heli lahaa dhisme caalami ah oo ay yeelato Wasaaradda Maaliyadda Puntland si’ loo dar-dargeliyo koboca dhaqaalaha Dawladda  Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka dib dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee  Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, maadaama ay wasaaraddu kamid tahay wasaaradaha ugu ballaaran Puntland isla markaasina ya muhim tahay in ay hesho dhisme kabedelan kan ay hadda ku shaqayso.

Waxaana kasoo qayb galay dhagax dhigga wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, shirkadii dhisaysey Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Murwo Aniisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin dedaalka baaxadda leh ee ay ugu jirto horumarinta iyo tayaynta Wasaaradda, maadaama wasaaraddu ay  ku taxalluqdo arrimaha hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaanba arrimaha bulshada taasina ay u baahantahay in il gaara lagu hayo dhismahanina uu waxbadan ka-qabandoono arrimaas oo dhan.

Wasaaradaha  Puntland ayaa intooda badani  waxay u wada guureen  dhismayaal casri ah taasina waxay markhaati u tahay sida ay Dawladda Puntland cagaha u saartay dhabbihii horumarka iyo sinnaanta taaso gundhiggeedu yahay isku tashi Dawladda iyo shacabka ah.

IMG_9504 IMG_9684 IMG_9686 IMG_9696

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here