
Kulan looga hadlayo qatarta Al-shabaab ee dalka soomaaliya ayaa maanta oo arbaca aa waxaa uu ka furmay magaala madaxda dalka masar ee qaahira.
Ururka jaamacadda carabta ayaa kulankani soo qaban qaabiyey iyadoo wafuud heer sare oo ka kala socota dalalka jaamacada carabta ay kulanka ka qeyb galayaan.
Dowlada imaaratka Carabta ayaa kulanka looga hadlaayo Qatarta Al-shabaab ee dalka soomaaliya kusoo biirtay goor dhaweyd waxaana uga soo qeyb galay ku xigeenka dhanka amaanka dalkaasi Mohammed Atiq Al Romaithi .
Waxaa kulanka ka hadlay xoghayaha guud ee jaamacada carabta Dr. Nabil Al Arabi isagoona xusay in saddexdadii sano ee lasoo dhaafay Al-shabaab ay hoos u dhaceyn weeraradii ay ka fulin jireen dalka soomaaliya.
Xoghaye nabiil Al-carabi ayaa sidoo kale sheegay in 30,000 oo ajaanib shisheeye ah ay ku dhex milanyihiin dagaal yahanada islaamiyiinta ah ka dagaalama dalalka Afghanistan, Libya, Yemen iyo dalka Somalia.
Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Dalal ay ka mid yihiin masar, sacuudiga, baxreyn, Kuwait , sudan qadar , iyo dalal kale.
Waxaa kaloo maalmaha soo socda kulankaan diirada lagu saari doonaa qalalaasaha dhanka amaanka ee ka jirta dalka yemen iyadoo jaamacada carabta ay ciidan ka joogaan dalkaasi.
