ONLF oo Ka Hadashay Jawaabta Farmaajo ee Qalbi Dhagax+Dhageyso

0

Afhayeenka Jamhada ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay Idaacada Simba ayaa mas’uuliyado daro  iyo qiyaano qaran ku tilmaamay jawaabtii madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo Dowladiis ay u gacan galisay Itoobiya.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu baalmaray in uu qirto danbiga uu dadka iyo dalka ka galay ee ah in Muwaadin uu u gacan galiyey Shisheeye wuxuuna tilmaamay Farmaajo la haa go’aankii lagu dhiibay qalbi-dhagax.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu sheegay in uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee shisheeye u gacan galiya Muwaadin Soomaaliyeed.

Dhankale Afhayeen Hirmoog ayaa Ciidanka Nabad sugida ku eedeeyey inay magaalada muqdisho ka cayriyeen Xaasaskii iyo Caruurtii Generaal Qalbi-dhagax kadib markii ay dhowr jeer u dhaceen guryadooda.

Madaxweyne Farmaajo uu u dabaal dagay  sanad guuradiisi koobaan ee inta uu  talada dalka hayo ayaa dalka oo idil waxaa laga dareemayaa in bulshada Soomaaliyeed ay wali ka tiiraanyeysan yihiin dhiibistii C/kariim Sheekh muuse oo ka mid ahaan jiray Saraakiishii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed guutooyinka ka dagaal galay 1977-dhulka Soomaaliya ee Itoobiya maamusho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here