Maxamed Mire Maxamed oo Beeniyay in uu Xiriir La Leeyahay Ururka Daacish

0

Maxamed Mire Maxamed oo Dowladda Mareykanka shalay oo jimco aheyd ay ku dartay Liiska shaqsiyaad taageero siiya Ururka Daacish ayaa arintaas beeniyay.

Mire oo ah milkiilaha sharikadda Al-Mutawafaq ee ka midka ah sharikadaha loo heysto in ay Daacish-ta Soomaaliya taageeraan ayaa sheegay in eedees aysan waxba ka jirin islamarkaana uusan xiiir la laheyn Daacish.

Maxamed Mire oo la hadlay VOA-da isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa beeniyay eedaha oo heysto oo ay ka mid tahay in ay xiriir wada shaqeyn iyo maal gelin ahba leeyihiin hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Shiikh C/Qaadir Cali Muumin oo horey ugu tirsanaa Al-shabaab.

Waxa uu sidoo kale beeniyay  in xitaa uu garanayo Shiikh C/Qaadir Cali Muumin hogaamiyaha Daacish-ta Soomaliyeed.

Maxamed Mire Maxamed  ayaa Shirkadda uu madaxda ka yahay waxa ay Cuntada kasoo dhoofisaa Imaaraadka Carabta waxayna geysaa deegaannada Maamulka Puntland waana sababta keentay in lala xiriiriyo Daacish.

Shaqsiyaadka sidoo kale la eedeeyay waxaa kamid ah Milkiilayaasha Sharikadda Liibaan Trading oo iyana ka mid ah liiska uu soo saaray Mareykanku.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here