Faah-faahin:-Qaraxyo Lagu Weeraray Hoyga Gudoomiyihii Hore ee Holwadaag

0

Qaraxyo Bambooyin ah ayaa xalay fidkii waxaa lagu weeraray hoyga Gudoomiyihii Hore ee Degmadda Holwadaag Maxamed Abuukar Jacfar.

Jacfar oo sidoo kale ah Sarkaal ka Tirsan Nabad Sugida Soomaliya ayaa hoygiisa waxa uu ku yaala Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan nawaaxiga Iskuulka Dhagaxtuur.

Qaraxyada oo laba bambo ahaa ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ahaa oo hoyga ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadda Bambooyin ahaa ku dhintay 1-ruux.

Dhanka kale Wasaaradda amniga gudaha  Xukuumadda Somaaliya ayaa faah faahin ka bixisay weerarka xalay lagu qaaday hoyga Sarkaal Jacfar.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/casiis Cali Ibraahim ( Xildhibaan) ayaa sheegay inay baxsadeen raggii ka dambeyay qaraxa lagu weeraray hoyga Maxamed Abuukar Jacfar,islamarkaana lagu raad joogo kooxahaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here