Gudoomiyihii Hore ee Dagmada Bullo Burte ee Gobolka Hiiraan oo La Dilay

0

Xalay waxaa Magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan lagu dilay Gudoomiyihii hore ee Dagmada Bullo burte allaha u naxariistee Cabdi iidoow Sabriye.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka magaaladda beledweyne ragg ku hubeysnaa bastooladdo ayaa ka dambeeyay dilka Gudoomiyihii Hore, oo lagu dilay xalay magaaladda Beledweyne ee Gobolka hiiraan.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay iney iskaga baxsadeen goobta ay dilka ka fuliyeen,waxaana goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda, oo halkaasi ka qaaday meydka gudomiyaha.

Cabdi iidoow ayaa mudooyinkii danbe ahaa culimada Tabliiqa waxana uu siyaasada ka baxay mudo laga joogo 8 sano waxaana intaa kadib uu ka tirsanaa Jameecada loo yaqan Tabliiqa ee ku sugan soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambeysay dilka Gudoomiyihii hore ee Dagmada Bullo burte ee Gobolka hiiraan. Mana jirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada dilka Gudoomiyihii hore ee degmada Bullo burte.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa howlgal kawada gudaha Magaaladda Beledweyne, halkaasi oo ay ka baadi goobayaan ragii ka danbeeyay dilka Cabdi iidoow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here