Diyaarad Ku Dhax Dhacday Saldhigyo Ay ku Kala Sugan Yihiin Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab

0

wararka aynu ka heleyno gobalka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in deegaano katirsan gobalkaasi ay kusoo dhacday diyaarad aan ilaa iminka la garan waxa ay tahay iyo nuuca diyaaradaasi.

masuuliyiinta dowladda ee gobalka shabeelaha hoose oo ay xiriiro la sameysay idaacada Simba ayaa inoo sheegay iney jirto diyaarad kusoo dhacday degmada wanlaweyn ee gobalka shabeelaha hoose, balse aysan cadeyn karin diyaarada waxa ay tahay iyo dalka laga leeyahay intaba. Halka ay kusoo dhacdayna iney saldhigyo ku kala leeyihiin Xarakaa Al-shabaab iyo ciidamo katirsan kuwa xoga dalka.

ilo dadka deegaanka ayaa simba u sheegay in deegaanka ay diyaaradaasi kusoo dhacday ay maamulaan ama ka ag dhawyihiin dagaalyahano katirsan Al-shabaab, arintaa awgeydna aysan xaqiiji karin diyaarada waxa ay tahay iyo halka ay ku wajahneyd, lakin ay arkayeen diyaaradaasi oo jawi hoose ku socotay.

wararkii ugu danbeeyay ayaa ku wararamaya in ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa Amisom ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan iney u dhaqaaqaan dhanka laga soo sheegay iney kusoo dhacday diyaaradaasi, inkastoo aan laga warheynin diyaarada ilaa iminka cida gacanta ay u gashay ama bur burkeeda ka agdhaw.

Waxii kusoo kordha waan idinla wadaagi doonaa WWW.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here