Wararkii ugu danbeeyay ee qarax maanta ka dhacay deegaano katirsan gobalka shabeelaha dhaxe. Kolonyo katirsan ciidamada Amisom oo kasoo anba baxay magaalada muqdisho kuna sii jeeday Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Tuulada Isgoys iyo haansheekh ee degmada balcad ee gobalka shabeelaha dhaxe.
Goobjoogayaal ka ag dhawaa halka qaraxa lagula eegtay ciidamada Amisom ayaa idaacada Simba u sheegay iney maqlayeen jug xoogan, balse aysan kala garaneynin cida qaraxaasi lala eegtay iyo qasaaraha soo gaaray ciidamada halkaa marayay ee la kulmay qaraxa miino ee dhulka lagu aasay.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan degmada balcad ayaa simba u sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Amisom ee la kulmay weerarka qaraxa miino ahaa.
Dhanka kale xiriiro idaacada Simba ay la sameysay saraakiisha ciidama Maamulka Hirshabeelle ayaa diiday iney inooga war bixiyaan qaabka qaraxaasi uu u dhacay iyo waxa soo gaaray ciidamada Amisom.
Majirto sido kale cid sheegatay masuuliyada qaraxaani miino eel ala eegtay ciidamada Amisom.
Maal mahii danbe dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa kordhiyay weeraro iyo qaraxyo ay la eeganayaan ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa midowga afrika ee amisom ee ka howlgala soomaaliya.

