Dibadbaxyo xoogan oo rabshada wata ayaa maanta ka dhacay qeybo kamid ah xaafadaha degmada karaan ee magaalada caasimada ah ee muqdisho.
Dadka dhigayay Dibadbaxyada ayaa la sheegay iney ka caroodeen dil maalintii shalay aheyd degmada kaaraan loogu geystay ruux rayid ahaa, kadib markii askari katirsan ciidamada dowladda ay isku maan dhaafeen lacag shilin soomaali ah oo gaareysay ilaa iyo shankun oo lacagta shilinka soomaaliga aheyd.
Goobjoogayaal ku sugan goobta uu ka socday dibadbaxa rabashadaha watay ayaa Simba u sheegay iney dadka isugu soo baxeen bartamaha magaalada iyo sido kale xarunta booliska karaan iyo qeybo kamid ah suuqa weyn ee degmada karaan, kaa oo maanta loo xiray sababo la xiriiro dibadbaxyada ka socda halkaa
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Simba ayaa inoo sheegay in maanta hakad uu ku jiro isku socodka gadiidka iyo ganacsiga degmada karaan, dibadbaxyaashana ay gubayaan taayaro, askarta dowladda-na iney isku dayayan iney rasaas ku kala eryadaan dadkaasi isugu soo baxay degmada.
Xiriiro idaacada samba ee magaalada muqdisho la sameysay maamulka degmada kaaraan ayaa ka jawaabin taleefanadii aynu kala xiriirno si aan wax kaga weydino dibadbaxyada ka socda degmadaasi.
Dibadbaxyadaan maanta ka dhacay degmada karaan ayaa dadka halkaasi ku dhaqan waxey kaga soo horjeedaan dil maalintii shalay aheyd degmadaasi askari katirsan ciidamada dowladda uu ugu geystay ruux shacab ahaa markii ay isku maan dhaafeen lacag gaareysay Shan kun oo shilinka soomaaliga aheyd.

