RW- Kheyre oo Maanta Khudbad Ka Jeedin Doona Shirka Dhaqaalaha Aduunka

0

Ra’iisul wasaaraha Xakuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyo shirka Dhaqaalaha Aduunka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Maanta uu R/wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre khudbad ka hor jeedin doono madaxda ka qeyb galeysa Shirka dhaqaalaha Aduunka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Davos ee Swezerland.

Faadumo C/llaahi Insaani ayaa tilmaantay in R/wasaaraha uu khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kuna aadan baahiyada Dowladda Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Soomaaliya.

RW Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa inuu shirka ka dib kulamo kala duwan la qaado Madaxda Shirka ka qeyb galaysa isagoona hor dhigi doona Baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Dalka Soomaaliya oo ah Dal ku fiican Maalgashi dhaqaale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here