Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal dhiig badan ku daatay oo maanta dhax maray ciidamo katirsan Amisom iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay deegaano katirsan gobalka shabeelaha hoose.
Dagaalyahano katirsan Xarakada Alshabaab ayaa la sheegay iney weerar dhaba gal ah ku qaadeen kolonyo katirsan Amisom oo marayay wadada isku xiriirisa Afgooye iyo degmada Marka ee gobalka shabeelaha hoose, halkaasi oo labada dhinac uu ku dhax maray dagaal dhiig badan uu ku daatay.
Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxya qaabka uu dagaalkaasi u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay, wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu qasaare kasoo gaaray dhinacyadii uu u dhaxeeyay.
Goobjoogayaal ku sugan aaga uu ka dhacay dagaalka oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xoogan oo labada dhinac aysan isku reeban waxii karaan kooda ahaa, uuna dagaalka ka dhacay waddada u dhaxeysa Shalanbood iyo Ceelwareegow ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Dhanka kale War kasoo baxay Xoogaga Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar dhaba gal ahaa ka dhacay wadada isku xiriirisa Afgooye iyo Marka ee gobalka shabeelaha hoose, ay iyagu ka danbeeyeen.
“Ciidamadeena ayaa ka danbeeyay weerarkaasi dhaba galka ahaa waxaana ku beegsanay ciidamo katirsan amisom oo maryay wadada dheer ee isku xiriirisa Marka iyo Afgooye ee gobalka sh/hoose, waxaana halkaa ku gubnay laba gaari oo mid kamida uu yahay Booyad halka midka kale uu ahaa Taaw”
Wali wax war ah kama soo bixin Taliska ciidamada Amisom ee soomaaliya, oo ku aadan weerarkan dhaba galka ahaa oo ay ciidamada Xarakada Al-shabaab ku qadeen kolonyo katirsan askarta Amisom.
Bilihii ugu danbeeyay weerarada dhaba galka ah ee lagu qaado ciidamada Amisom ayaa ahaa kuwa kor u qaadma, maadama askarta Amisom iyo Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay qaadayeen weeraro kala gedisan oo lagu qaadayay saldhigyada iyo masuuliyiinta ugu sareysa xoogaga Xarakada Al-shabaab.

