Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaare geystay oo maanta duleedka magaalada lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya.
Qaraxaan oo ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso meelaha fog fog laga hago ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamada dowlada soomaaliya oo marayay Deegaanka KM13 ee duleedka magaalada muqdisho.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay qaraxaasi inuu ahaa mid culus, balse aysan carabaabi Karin qasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxaasi lala eegtay ciidamadii dowlada katirsanaa.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Simba u sheegay in qaraxaasi ay dhimasha iyo dhaawac ku noqdeen ciidamo katirsan kuwa dowladda somaliya oo marayay duleedka magaalada caasimada ah ee muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 5 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda, ayna jiri karaan qasaare soo garay dad rayid ahaa oo aaga qaraxa uu ka dhacay ka ag dhawaa.
Saraakiisha ciidamada dowladda oo ay la xiriirtay Idaacada Simba ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan qasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxaasi ciidamada dowladda lagula eegtay Deegaanka KM13.
Wali majirto cid sheegatay qaraxaani dhimashada iyo dhaawaca ay ku noqdeen ciidamada dowladda.

