Madaxweynaha Jabuuti oo Ka Hadlay Bixitaanka Ciidamadda AMISOM ee Soomaliya+Dhageyso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo la hadlayay warbaahinta ayaa soo hadal qaaday xaalada Soomaaliya halka ay mareyso iyo wararka sheegaya in Ciidamada Amisom ay dhawaan isaga bixi doonaan gudaha Soomaaliya.

Ismaaciil ayaa soo hadal qaaday ugu horeyn awooda Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxuuna madaxweynaha sheegay in Shabaab xiligaan ay awoodooda wiiqantay oo aysan awoodin dagaalo fool ka fool ah oo ay la galaan ciidamada dowladda xaaladoodana hada ay kusoo aruurtay kaliya iney geystaan qaraxyo iyo waxyaaba kale oo muujinaya in laga awood roonaaday.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa soo hadal qaaday xaalada guud ee dalka iyo sida ugu wanagsan ay ciidamada booliska iyo kuwa militariga dowladda Soomaaliya ay iskugu tashan karaan, kana maarmi karaan Ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Halkaan ka dhageyso codka Madaxweyne  Ismaaciil Cumar Geele

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here