Haweeney Dil Geysatay oo ku Kashifantay Sawir Ay Soo Dhigtay Facebook

0
Sawirka waxaa ka muuqda hubkii dilka loo adeegsaday

Maxkamad ku taala dalka Canada ayaa dambi dil ah ku heshay haweeneey u dhalatay dalkaas kadib markii ay barteeda Facebook ay soo dhigtay sawir uu ka muuqdo hubkii ay ku dishey gabadh kale muddo sano ka hor. Isla qofkii la diley ayaa sidoo kale sawirka ka muuqda.

Inkasta oo ay markii hore beenisay dilka, ayaa sawirka ay soo dhigtay Facebook waxaa laga dhex arkay hubkii ay dilka u isticmaashay oo ahaa suunka madoow ee ay dhexda ku xirantahay, kaasi oo ay ku ceejisay gabadha kale ee mudo sanado ka hor ay dishay.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Cheyenne Rose Antoine oo 21 jir ah ayaa lagu heley in ay dishey gabadh 18 jir ah oo lagu magacaabo Brittney Gargol. Dilka waxa uu ka dhacay meel u dhow magaalada Saskatoon ee gobolka Saskatchewan ee cariga dalkaasi Canada.

Waxaa lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah, balse waxa ay haweenaydan sheegtay in habeenkii uu dilka dhacayay ay sarqaansaneyd, islamarkaasna aysan aad u xusuusanin wixii dhacay, kana xuntahay.

Sawirka waxaa ka muuqda hubkii dilka loo adeegsaday

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here