Wasiirka Amniga oo ka Hadlay Isku Socodka Wadada isku Xiriirisa Muqdisho Iyo Balcad “Sawirro”

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee XukuumaddaSoomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ay wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka soomaaliya iyo xubno kale ayaa socdaalka dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdiga Wasiirka Amniga ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka Degmada Balcad oo uu horkacayo Guddomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ( Qaasim Furdug) waxana ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka dhagaystay maamulka iyo shacabka baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan, gaar ahan tan amniga.

“Waxaan indhaheena ku soo aragnay burburka xoogga leh ee haysta wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad iyo dhibaatada shacabka ku haysata, waxaana rajeyneynaa in aan dhowaan dayactir lagu sameeyo.”ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay inuu socdo qorshe amniga lagu soo celinayo,  isla markaana kaalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay noqon doonto mid meesha looga saaro weerar kasta oo ka yimaada Dagaal-yahanada Al-shabaab.

Wafdia Wasiirka Amniga ee Soomaaliya waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim iyo Xildhibaan Aadan Cali Xasan kana mid ah Xildhibaanada  kuwaasi oo sheegay in degmada Balcad ay u yimaadeen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada amni iyo mida baahi ee shacabka degmadu qabaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here