Faah Faahin: Bambooyin Lagu Weeraray Fariisin Ciidamada dowladda Ay Ku Leeyihiin Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa bambooyin xalay lagu weeraray Fariisin Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku leeyihiin Buundada labaad ee degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.

Bambooyinkaan oo ahaa kuwa gacanta laga tuuro ayaa la sheegay in lagu tuuray Buundada labaad ee degmada Xamarjajab, xilli halkaasi ay joogeen ciidamo katirsan kuwa dowladda somaaliya oo ku leh goobta weerarka bambaanooyinka gacanta  lagu qaaday.

ilo dadka deegaanka ayaa Radio Simba u sheegay in aan weli la xaqiiji karin qaraxyadaasi khasaare ka dhashay, hase ahaatee qaraxyadaasi kadib ay maqlayeen rasaas xooggan oo ay rideen ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta weerarka Bambaanooyinka gacanta ahaa lagu weeraray.

Dhanka kale, ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda somaaliya ayaa saakay waxay aagaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, laguna baadi goobayo ragii ka danbeeyay weerarkaasi loo adeeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ee aan ilaa hada la xaqiijin qasaaraha ka dhashay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here