Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Askar Dhinacooda u Soo Goosatay + Sawirro

0
Sawirada Sadaxda Askari ee Al-shabaab ay Soo Bandhigeen

Xarakada Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay askar ay sheegeen iney kamid ahayeen ciidamada maamulka Jubaland oo dhankooda isku soo dhiibay.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa baahisay codadka iyo sawirada askar ay sheegtay Al-shabaab iney dhankooda isku soo dhiibeen kuwaa oo kamid ahaa ciidamada maamulka jubaland gaar ahaan ciidamada ku sugan Aaga deegaanka Buulo gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho oo ay la xiriirtay Sarakiisha ciidamada Maamulka Jubaland ayaa ka gaabsaday iney ka war bixiyaan askartaan sadaxda ah ee Al-shabaab sheegeen iney isku soo dhiibeen.

Halkaan ka Daawo Sawirada Sadaxda Askari ee Al-shabaab ay Soo Bandhigeen

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here