Dowladda Cumaaan oo Soomaaliya Ka Sameyneysa Maal-Gashi Dhaqaale

0
calamada dowladdaha Omaan iyo Soomaaliya

Dowladda Cumaaan ayaa sheegtay in ay sahmin ku sameyn doonto dhaqalaaha iyo ganacsiga dalka soomaaliya si ay u maalgishato kadib markii wafuud ka socoto labada dhinac ay ku kulmeen shirka OCCI ee dhaqaalaha looga hadlo.

Waxaana  saldanada cumaan ay sheegtay in ay diirada saari doonto ganacsiga kaluumeysiga labada dal, iyadoo dalka Soomaaliya u soo dirsaneysa qabiir yahano sahmin ku sameeya ganacsiga iyo qaabka ay u wadaagi lahaayeen.

Eng. Ridha bin Juma Al Saleh oo ah wasiirka maaliyada saldanada Cumaan ayaa sheegay in labada dal ay bilaabi doonaan wax soo saarka kaluunka iyo dhuufintiisa si kor loogu qaado xeriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Waxaa intasi uu ku daray wasiirka in saldanada cumaan ay rajo wanagsan ka qabto wax soo saarka mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaaamay in ganacsatada reer cumaan ay maalgishan doonaan soomaaaliya kadib marka dalka soo gaaran wafdi ka socda saldanada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here