Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa lagu weeraray sarkaal ka tirsan Ciidamadda Maamulka Puntland.
Ragg ku hubeysnaa bastooladdo ayaa la sheegay in ay dhaawaceen sarkaal magaciisa lagu sheegay Muuse Afrax,waxaana la weeraray xili uu aruurinayay canshuuraha laga qaado Xaafadaha.
Ragga hubeysan ayaa la sheegay in ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Kooxihii ka dambeeyay weerarka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen,waxaana durbadiiba gaaray Ciidamadda amaanka Maamulka Puntland.
Muuse Afrax ayaa dhawaaciisa waxaa lagu dabiibiyaa Isbitaal ku yaalla Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ka dhacay magaaadda Gaalkacyo.

