Wararka ka imaanaya gobalka galgaduud gaar ahaan magaalada dhuusa mareeb ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay mid kamid ah darawalada gawaarida ka xeysa ee gobalkaasi.
Dilkaan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay mid kamid ah askarta ahlu-suna ee ku sugan degmada dhuusamareeb, kadib shaki ka galay askariga darawalka gaariga xamuulka ah kaxeynayay oo soo gudbay wada loo xiray iney gawaarida soo maraan, taasina ay dhalisay dilka darawalka waday gaariga xamuulka ah.
Darawalkii kaxeynayay gaariga xamuulka ayaa la sheegay in rasaasta uu askariga Ahlusuna ku furay ee ka haleeshay dhanka madaxa sare, taasina ay sababtay in goobta uu ku geeriyoodo darawalkii gaariga waday.
Ilo dadka deegaanka ayaa idaacada samba u sheegay in ciidamada ahlusuna ay maanta toogteen mid kamid ahaa darawalada gawaarida xamuulka oo ku socdaalayay degmada dhusamareeb, markiii danbana ay goobta soo gareen ciidamo badan oo katirsan kuwa ahlusuna ee ku sugan dhuusamareeb.
Magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan maal mahaan madaxweynaha dowladda soomaaliya, madax ka kala socoto Maamul gobaleedyada dalka, xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamanka soomaaliya, masuuliyiin katirsan dowladaha caalamka, iyo wufuud kala gedisan, oo magaalada dhuusamareeb u tagay soo gaba gabeynta khilaaf in muda ah dhax yaalay Ahlusuna iyo galmudug.

