Wafuud ay kala hoggaaminayaan Madaxweynayaasha maamul Gobaleedyadyada Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta rasmiga ee maamul gobaleedka galmudug.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wafuuda Madaxweyneyaasha maamul gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed.
Labadan masuul ayaa ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo heshiiskii madaxda Galmudug iyo Ahlusuna ay kala saxiixdeen, iyadoo sidoo kale wafuud kala duwan ay imaanayaan magaaladaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare & Masuuliyiin kale ayaa ku sugan Dhuusamareeb, waxaana gaba gabo maraya qaban qaabada shirka dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna.











