Hay’adda Arimaha Xuquuql Insaanka ee Human Rights Watch ayaa waxa ay sheegtay in Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, in dadka ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan iney ugu hanjabayaan soo gacan gelinta caruurtooda si ay uga mid noqdaan Al-Shabaab.
Madaxa HRW Xarunteeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay la hadlaan dad soomaaliyeed oo ka cabanaya Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab kuwaa oo caruurtooda isugu jira wiilasha iyo gabdhaha la weydiistay si loo siiyo tabobar kadibna ay al shabaab ugu biiraan.
“ Tan iyo bishii September sanadii 2017-dii Dhaqdhaqaa Al-shabaab ayaa odiyaasha, macalimiinta Dugsiyada iyo bulshada ku dhaqan deegaanada baadiyaha waxa ay weydiisanayeen in caruurtooda oo qaarkood 8 jir ay yihiin in dagaalyahanada lagu soo biiriyo” sida ay sheegtay HRW oo diyaarinta Warbixintan bilowday bartamihii sanadii 2017-dii ee aynu soo dhaafnay.
Waxaa Sidoo kale hay’adda xuquuql Insaanka ee HRW ay sheegtay in boqolaal caruur ah ay kabaxsadeen guryihii ay ku noolaayeen kuwaa oo laga cabsi qabay in si qasab ah loogu qasbo ku biiritanka Alshabaab.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo ku nool dagamada Buurhakaba ee Gobalka Baay oo HRW la hadlay ayaa waxa uu sheegay wiilal iyo gabdho tiradoodu ay gaareyso 50 qof in si qasab ah tabobar loogu qaaday deegaanada iyo degmooyinka Xarakada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
Laetitia Bader oo kamid ah Saraakiisha HRH ee Soomaaliya ka howlgasha ayaa sheegtay Xarakada Al-shabaab ay wadaan olole caruurta ku nool baadiyaha loogu biirinayo xoogaga Al-qaacidada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii HRW ayaa ka dalbatay Al-shabaab in si dhaqsi ah ay ku joojiyan afduubka ay ku hayaan caruurta waxana dowladda Soomaaliya ay ka codsatay in caruurta aan loo dirin goobaha halista badan.
Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab oo ku aadan eedeymaha dusha ay kaga tuurtay Hay’adda Arimaha Xuquuql Insaanka ee Human Rights Watch ee ku aadan askareynta Al-shabaab ee caruurta 18 jirada ah ee ku dhaqan deegaanada ay gacanta ku hayaan Xoogaga Al-Shabaab.

