Faah-faahin:-Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Degmadda Ceel-waaq

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen saldhig Xarakadda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaankaas.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo Xasan C/llaahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab lagu duqeeyay qeybo ka mid ah degmadaasi,isagoona tilmaamay in duqeynta keliya lala bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in xaaladda ay tahay hadda mid degan,islamarkaana duqeynta ay joogsatay.

wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradaha ay fuliyeen diyaaradaha Kenya oo deegaanadaasi ku baacsada  Al-Shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakadda Al-shabaab oo loogu hadlaayo duqeynta ka dhacday Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here