Dadka ku nool qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa saakay ku waabariistay dhowr neef oo gowracan oo horyaala guryahooda taasi oo yaab iyo amakaak ku noqotay.
Ido gowracan oo aad moodo in ay isku da’ yihiin ayaa la daadiyay xalay saqdii dhexe sida la qiyaasaayo maadaama aan la ogeyn goorta lasoo dhigay.
Degmooyinka Hodon,howlwadaag,wardhiigleey,boondheere;, shibis,ilaa kaaraan ayaa lagu waramayaa in lagu daadiyay xoolahaasi la qowr gooyay
Dadku waxa ay la yaaban yihiin arintaan oo ayna wali arkin waxeyna tani sababtay shaki weeyn oo ka dhashay iyadoo ayna jirin ilaa hada shaqsi u dhawaada cabsi laga muujinaayo awgeed.
Falkaan lama oga cida ka dambeeysa waxaana suuragal in ay ka hadlaan Maamulada degmooyinka lagu arkay Idaha la goowracay.







