Magaaladda Toronto ee dalka Canada waxaa ku geeriyootay Fanaanadii waynayd Khadiija Cabdullaahi Dalays oo ka mid aheyd fanaaniinta Somaliyeed kuwooda ugu qiimaha badan.
Allaha u naxariistee Fanaanada geeriyootay ayaa qaar ka mid ah eheladeeda waxa ay sheegeen muddooyinkii dambe inay xanuunsaneyd, ugu dambeyna xanuunkii u geeriyootay.
Khadiija Cabdullaahi Daleys, ayaa waxa ay aheyd qof da’ ah oo ku nool dalka Canada oo sanadihii dambe ku nooleyd.
Heesaha ay qaaday ee sida wayn loogu xusuusto Fanaanada, waxaa ka mid ah.
Muruqiina maalo
dhulka miro ku beera
Macdanta, dahabka
Muujiya wanaagaay
Fanaaniinta Somaliyed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Khadiija Daleys oo haldoorka Fanka Somaliyed ka mid aheyd.

