Wararka Caawa Idaacadda Simba ee Muqdisho ay ka helayso Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi oo uu maqribnimadii Caawa ka bilowday dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab dagaalkaas ka dib Shabaabka ay u suuragashay in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan Xarumihii Muhiimka ahaa ee degmadaasi sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo diiday inaan codkooda xiganno.
Wararka ayaa intaa ku daraya in intii dagaalku uu socday la isku adeegsanayey hubka nuucyadiisa kala duwan oo daryankiisa laga maqlayey deegaanada ku hareeraysan degmada Qoryooleey ee Shabeelaha Hoose.
Ilaa hadda Lama Oga inta uu gaarsiisanyahay qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada ka dhacay Caawa Ddegmadaas Maadaama ay tahay xilli habeen ah waxaana adag in dadka rayidka ah ay ka baxaan guryahooda taasi oo suura gal ka dhigaysa in qasaaraha la ogaanwaayo.
Maamulka Degmada oo aan Xiriirro kala duwan la Sameynay ayaa ka gaabsaday in ay Faah-faahin ka bixiyaan dagaalkan caawa Al-shabaab ay kula Wareegeen Degmada Qoryooleey.
Alshabaab ayaa sidoo kale Warar ay ku daabaceen Baraha Bulshada ee taageera ku Sheegay in ay si buuxda ula Wareegeen gacan ku haynta dhammaamba xarumaha Muhiimka ah ee degmada Qoryooleey.
Wixii Warkaasi kusoo kordha dib kala Socda Insha Allah.

