Gudoomiyaha Hay’adda Culima’udiinka Somaliyeed, Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo saxaafada la Hadlay ayaa ka Hadlay Barnaamijka Shiicayn ah . Oo lagu soo Bandhigay Magaalada Muqdisho kasoo ay waday Safaarada iiraan ee soomaliya ku leedahay,
Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa Tilmaamay in Hadii uu barnaamijkaas ku faafi lahaa Gobolada dalka Soomaliya uu Noqon lahaa mid soomalida dhaxdeeda ka dhaxdhaliya qilaaf iyo dagaal waa siduu hadalka u dhigay Gudoomiyaha ,
Dhanka kale Gudoomiyaha Hay’adda Culima’udiinka Somaliyeed, Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa Mahad balaaran u jeediyay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya tasoo ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigto ragii barnaamijkaan waday iyo dad soomali ah oo kala shaqeynaayay.

