Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xarakada al-shabaab ay sii daayeen 4-shaqaalo oo ka Tirsan Hay’adda Hirda oo shalay lagu af-duubtay afafka Hore ee degmada Baandheere ee Gobolka Gedo.
Odoyaasha iyo waxgaradka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa la Tilmaamayaa in ay ka shaqeyeen ayna al-shabaab kala Hadleen siidii ay usii deyn lahaayeen 4-shaqaalo oo ay af-duubteen wallow markii dambe ay al-shabaab ogolaadeen arintaas,
Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo ka Hadlay arintaan ayaa sheegay in habeenimadii xalay lasoo daayay shaqaalahaan oo shalay lagu af-duubtay afafka Hore ee degmada Baardheere haatana ay dib ugu laabteen meeshii ay ka yimaadeen,

