Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ayaa manta magaalada Mogadisho ku yeesheen kulankoodiii caadiga ahaa,waxaana kulanka Golaha wasiirada shir Guddominay Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane xasan Cali kheyre.
Golaha wasiirada ayaa ugu Horeentii waxaa ay ka Tacsiyadeyeen Askartii ku Dhimatay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhex dhacay Dugsiga Tababarka ciidamada Booliska Jeneral kahiye ee magaalada moqdisho.
Wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha c/laahi xaamud maxamed oo markii uu kulanka soo dhamaaday Lahadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ugu Horeentii ka tacsiyadeey Askartii ku dhimatay Qaraxii ismiidaaminta ahaa,waxuuna sheegay in ay ku dhinteen 17 askari waxuuna sidoo kale sheegay in ay ku dhaawacmeen 17 askar kale,waxaase uu sheegay wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha in laama amaanka ay soo bandhigidoonaan Qofkii is qarxiye Jeneral kahiye oo la sheegay inuu ahaa askari katirsan Ciidamada Dowlada oo mudo soo shaqeynayay.
Sidaasi Darteedna maanta waxa la baajiye kulan ciyaareedkii dhexmari lahaa ciyaartoyada Maamulada Jubbaland iyo Gal-mudug oo lagu balan sanaa inuu galabta ka dhaco G-koonis
Sidoo kale kulanka Golaha wasiirada ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasiirka Maaliyadda xukuumadda soomaaliye mudane c.raxmaan Ducaalle bayle waxuuna ka warbixiye safarkii uu ku tagay Dalka kenya shirarkii uu la qaatay Hay’ada lacagta adduunka Imf iyo waxyaabaha ay usoo balan qaadeen Hay’adihii uu lasoo kulmay.
Ugu Danbeentii Golaha wasiirada ayaa waxaa warbixin la xiriirta Maxaabiistii laga keenay Dalka siishalis wasiiru dowlada wasaarada cadaalada xukuumada Soomaaliya.
Waxaana uu sheegay in 7 qof ee maxaabiista ahaa ee laga keenay siishalis 6 laxiray halka midka soo Harayna uu dhameestay mudadii xambiga lagu xukumay.

