Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada kismaayo kulan gaar ah kula yeeshay wadaadka Muqtar robow oo gabi ahaanba sheegay inuu iskaga soo baxay Safka Al-shabaab.
Kulanka dhax maray abuu mansuur iyo axmed madoobe ayaa la sheegay inuu ahaa mid is xog wareysi ah kaa oo ay kaga wada hadlayeen waayahoodii hore iyo dagaalka dhax maray Xarakada Al-shabaab iyo maleeshiyaadka daacada u ahaa wadaadka abuu mansuur.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka axmed madoobe ee uu ugu wacay abuu mansuur iney tahay sidii uu xog kaga heli lahaa maamulka Jubaland oo ku adan dagaalka Madaxweynaha Somaaliya uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-shabaab ee uu maamulka Jubaland isna ka kheyb yahay dagaalkaasi .
Wadadka abuu mansuur ayaa booqday daba yaaqadii bishii aynu soo dhaafnay Magaalada Baydhabo halkaasi uu kula kulmay madax katirsan Maamulka Koofur Galbeed Somaaliya.

