Warar aynu ka heleyno Degmada kaaraan Oo Katirsan degmooyinka Gobalka banaadir ayaa Sheegay in uu ka dhacay halkaasi Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo Kawada-tirsan Dowlada somaliya.
Dagaalkaan ugu danbeeyay ee ciidamada dhaxmara ayaa la sheegay inuu dhacay xalay dhaq dhaxe oo dadka halkaasi ku nool intooda badan ay ahaayeen kuwa jiifa maadama ay aheyd xili danbe oo looga baran in ciidamo katirsan dowlada ay xiligaasi dagaal uu dhax maro.
Ku dhawaad 7-baad ayaa ciidamo katirsan dowlada somaaliya waxa ay ku dagaalamayaan xafadaha degmada karaan ee Magaalada Muqdisho. Walina majirto cid soo kala dhax gashay Ciidamadaasi ku dagaalamaya degmada oo la sheegay iney isku hayaan dhul banaan oo halkaasi ku yaala.
Idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho oo xiriiro la sameysay Maamulka degmada kaaraan ayaa u sheegay iney wadaan dadaalo lagu dhax dhaxaadinayo Ciidamada ku dagaalamaya degmada ku dhawaad 7-baad, hadana xaaladda ay tahay mid dagan.
Dadka ku dhaqan xaafadaha Jamhuuriya iyo xaafada buula-maxaay ayaa la sheegay sakay iney sameynayaan barakac maadama ku dhawaad Ciidamada halkaasi jooga ay ku dul dagaalamayaan, arintaasina ay sababtay in sakay dadka ay ka barakacaan xaafada oo ay adaan xaafadaha kale ee Magaaladda Muqisho ee Caasimada Somaaliya.

