Taliyaha CXD oo Gobolka Mudug u Tagaya Xalinta Khilaaf u Dhaxeeya Galmudug Iyo Puntland+Dhageyso

0

Taliyaha Ciidamadda xoogga dalka Soomaliya Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegay in dhawaan uu gaari doono deegaano ka tirsan gobolka mudug.

Waxa uu sheegay in ujeedka socdaalkiisa gobolka mudug  uu yahay sidii loo xalin lahaa khilaaf  u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland,islamarkaana dhawaan uu halkaas gaari doono.

Taliye Gorod ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan gobolka mudug, oo ay wada maamulaan maamuladda Puntland iyo Galmudug, islamarkaana uu ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa khilaafyadda jira.

“Gobolka mudug waad ogtihiin dhibaatooyin badan ayaa ka jira,waxaan rajeynayaa markaan halkaas tago in la xaliyo wixii dhibaatooyin ah ee ka jira,inagoo ah taliyaha ciidamadda xoogga dalka gacan waxaan ku dhisi doonaa ciidamadda xogga dalka Soomaliyeed, gacana waxaa u adeegsan doonaa dib u heshiisiinta dadka wada daga Gobolka Mudug”, ayuu yiri taliye Gorod.

Gobolka Mudug waxaa inta badan ka jira dhibaatoyin fara badan,waxa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaalo dhex-maray Maleeshiyaad kala taabacsan maamuladda Galmudug iyo Puntland oo kawada arimiya Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here