Wararka ka imaanaya Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku warmaya in ay saakay jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeyo maleeshiyo beeleed hubeysan.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in xiisadda dagaal ay mudooyinkii dambe ay jirtay balse saakay labada dhinac ay wadaan abaabul ciidan.
Waxa uu sheegay in ay isku haystaan dhul daaqsimeed, ku yaala duleedka Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xiisadaan dagaal ay xalin jireen Mas’uuliyiinta Maamulka Degmadda Mahadaay,balse haatan aysan jirin cid kala dhex-gashay marka laga reebo odayaal dhaqmeed wada isku day ay ku doonayaan in ay ku xaliyeen xiisadda dagaal.

