Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo shalay isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay dib ugu laabteen magaaladda cadaado ee caasimadda kmg ah ee maamulkaas ayaa amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo rag isbaaro ay u taalo deegaano ka Tirsan Mudug iyo Galgaduud .
Madaxweyne xaaf oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Cadaado ayaa sheegay in galmudug aysan marnaba aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka deeganada maamulkaas, islamarkaana dhawaan la qaadi doono howlgal lagu soo qaban doono ragaas.
“Galmudug mudadaan ka maqnaa waxaa ka dhacay dhibaatooyin kala duwan,gaadiid baa la dhacay, dad baa la dilay,waxaas dhan aad baan ugu xumahay,waxaan ku amrayaa dhaman ciidamada amaanka dowladd Goboleedka galmudug In ay gacanta kusoo dhigaan raga isbaarooyinka dhigtay deegaano ka Tirsan Mudug iyo Galgaduud”, ayuu yiri Madaxweyne axmed Ducaale geelle Xaaf.
Deeganadda Maamulka Galmudug waxaa inta badan yaalo isbaarooyin ay dhigteen maleeshiyaad hubeysan, iyadoo ay jireen iska hor imaadyo dhexmaray Ciidamada Nabad Sugida Maamulka iyo raga isbaaraleyda.

