Akhriso:- Xildhibaanada Baarlamaanka oo Lagu Soo Rogay Canshuurista Gunnada ay Qaataan

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee soomaaliya ayaa lagu soo rogay canshuurista gunnada ay qaataan.

Warqad uu qoray wasiirka maaliyadda xukuumadda soomaaliya c/raxmaan ducaale beyle 9-kii bishan ayaa loo gudbiyay guddoomiyaha golaha shacabka waxaana lagu wargaliyay in xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya october 2017-ka

Warqada ayaa lagu sheegay in talo bixin dhanka sharciga lala sameeyay garyaqaanka guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga nodo canshuur dhaafkii loo sameeyay xildhibaanada golaha shacabka.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in canshuur dhaafka loo sameeyay xildhibaanada uu ka hor imaanayo shuruudaha heshiiska smp ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo lacagta adduunka ee imf.

Heshiiska smp ayaa la sheegay inuu yahay wadada kaliya ee loo mari karo in soomaaliya laga cafiyo deynta badan ee caalamka looga leeyahay.

Dood ku saabsan warqada uu wasiirka maaliyadda u qoray guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay yeeshaan xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa bil walba mushaar u qaata lacag dhan $3,000.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here