Mareykanka oo Ciidamada Uganda Ku Wareejiyay Diyaarado Lagula Dagaalamo Al-Shabaab

0

Dowladda Mareykanka ayaa Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaliya ku wareejisay 5 diyaaradood oo Helikopterada ee noocoodu yahay huey 2.

Waxaa la sheegay in diyaaradahaasi oo cusub shalay loo soo daabulay si loo soo gaarsiiyo ciiddanka uganda ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.

War lagu qoray page Waaxda Gaashaandhiga ee Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradahaan ay caawin doonaan Ciidamada AMISOM.

Dowladda Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ugu deeqday deeqo kale  oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaman ee adkeysiga u leh waxyaabaha qarxa, gaar ahaan miinooyinka lagu aaso waddooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here