Baarlamaanka Soomaliya oo Ku Baaqay in Dalka Dib Loogu Soo Celiyo C/kariin Qalbi Dhagax

0

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen Magaaladda muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddigii loo xilsaaray kiiskii C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi dhagax) oo ah Sarkaal ka Tirsan Jamhadda ONLF oo dhawaan dowladda Soomaliya gacanta u galisay Dowladd Ethopaia.

Kulankaan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha shacabka shacabka Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, ayaa waxaa soo xaadiray 156-xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya.

Intaas kadib waxaa la guda galay dhageysiga warbixinta ay soo diyaariyeen  Guddigii loo xilsaaray kiiskii C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi dhagax) oo ah Sarkaal ka Tirsan Jamhadda ONLF.

Warbixinta ay Guddiga ka hor aqriyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ay ku sheegeen in  ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u kabasho in Dowladda Federaalka ay mudnaanta koowaad siiso sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, sidaas daraadeedna aan gabbaad la siin karin urur hubeysan ama shakhsiyaad khatar ku ah amniga dalka iyo guud ahana xasilloonida gobolka.

Balse guddigii loo xilsaaray kiiskii Qalbi Dhagax waxa ay sheegeen  in qaraarkii xukuumadda Federaalka Somaliya  ee ku aaddanaa in Jabhadda ONLF ay tahay urur argagixiso ah uu yahay go’aan aan sax ahayn, maaadaama ururkan uusan ku jirin kiiska argagixisada caalamiga ah.

Guddiga waxa ay soo jeediyeen in Xukuumaddu Federaalka Soomaliya ay dabagal ku sameyso heshiisyadii horey loo galay maadaama heshiiska lagu saleeyay dhiibista Qalbi dhagax uusan ahayn mid maray habraacii sharcidejinta.

Go’aamada ay soo saareen guddiga ayaa waxaa ugu muhiimsan in hay’adaha amniga, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda ay ka fogaadaan in ay bixiyaan xogo aan sugneyn oo aan si fiican looga soo baaraandegin. Sidoo kale, waxa ay Golaha Shacabka ugu yeereen in laga fogaado arrin kasta oo keeni kara xasillooni darro siyaasadeed ama abuuri kara khalkhal amni.

Dood dheer kaddib 152 ka mid ah Golaha shacabka ayaa oggolaaday natiijada baaritaankii qalbi dhagax,waxaa diiday 6,waxaana ka aamusay 3 Xildhibaan oo kale.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here