Ruushka ayaa codka qayaxan ku hor istaagtay qaraar uu soo dhigay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu kordhin lahaa baaritaanka caalamiga ah ee lagu hayo hubka kiimikada ah ee Suuriya gudaheeda lagu adeegsaday.
Waa markii 10 ee Ruushku uu codkiisa qayaxan u adeegsaday qaraarro Qarammada Midoobay la hor keenay, isaga oo arrintaas ku taageeraya dalka ay xulafada yihiin ee Suuriya tan iyo markii uu dagaalku ka billawday dalkaas.
Safriika Maraykanka ee Qarammada Midoobay u fadhida Nikki Haley ayaa Ruushka ku eedaysay in Ruushku uu xagal daacinayo awooddii uu goluhu ku baajin lahaa in weerarro kiimikooyin la adeegsado mustaqbalka.
Safiirka Ruushka ayaase waxba kama jiraan ka soo qaaday eedayntaas.
Mosco ayaase aad u dhaliisha baaritaanka ka dib markii dawladda Suuriya lagu eedeeyay in ay ka dambaysay weerar kiimiko neerfaha waxyeelaysa loo adeegsaday oo lagu qaaday Khan Sheikhoun bishii Abriil.
Suuriya ayaase diiday in ay adeegsatay hub kiimiko ah oo la mamnuucay.

